Heemaal News Network
somali

Wan-la-wayn Oo Ka Arinsatay Amnigeeda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa kulan looga hadlayey Amniga Degmada Walaweyn la qaatay Odeyaasha Dhaqanka,Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray Xoojinta sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa Amniga Degmada iyo ka hortaga Falalka amni darro ee mararka qaar dhaca, kuwaas oo ay geystan Ururka Al-Shabaab.

Odeyaasha Dhaqanka degmada Walanweyn ayaa Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed waxaa ay u gudbiyeen warbixin la xiriirta amniga degmada & degaannada hoostaga & sidoo kale baahida kajirta degmada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa faray Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose dardar gelinta howlaha loogu adeegayo bulshada.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal beeleedyo iyo kuwo u dhaxeeyay Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed & maleeshiyaad isbaarooyin dhiganayay waddoooyinka soo gala degmada Walanweyn.

Related posts

Ciidamada DANAB Oo Fulisay Hawlgalo Ka Dhan Ah Alshabaab

Heemaall

Jabhadaha TPLF iyo OLF-Shane Oo Isbaheysi ka Dhan ah Xukuumada Abiye Samaystay.

Heemaall

Madaxweynihii Hore Ee Hir-shabelle Oo Looga Yeeray Maxkamada Gobolka Banaadir.

Heemaall