Heemaal News Network

War Laga soo Saaray Khasaaraha ka Dhashay Duufaantii ku Dhufatay Degaannada Puntland.

Saameynta duufaantii GATI ee ku dhufatay xeebaha Soomaaliya dabayaaqadii bishii November ayaa ka jirta wali qeybo ka mid Puntland

Hay’adda UNOCHA ee qaramada ee qaramada midoobay waxa ay sheegtay in qiimeynta la sameeyay ay muujineyso in dad ka badan 120,000 oo qof ay saameysay duufaanta gaar ahaan magaalooyinka Boosaaso,Xaafuun,isku shuban,Hurdiya iyo Gumbax

42,000 ayaa guryahooda si ku meel gaar ah uga salkacay kadib markii ay biyo galeen halka kuwa kale duufaantu saqafka ka qaaday.

50% dadka sal kacay waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah oo isugu jira hoy,cunto iyo daryeel caafimaad.

Maamulka Puntland iyo hay’addaha samafalka ayaa wada dadaal lagu taageerayo dadka duufaanta waxyeelada ugu badan gaarsiisay.

26 fasal oo ardayda ay wax ku baraneysay ayaa duufaanta ku burburay waxaana ay arrintan saameysay ilaa 700 oo arday .

Related posts

Dagaalka Itoobiya kula Jirto Tigrey Oo ka Socda Xadka Eritrea.

Heemaall

Faarax Maclin Oo Axmed Madoobe Iyo Midawga Musharaxiinta ku Tilmaamay Caruurtii Tigreyga

Heemaall

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Dooday Xeerka Aaga Cashuuraha Ka Caagan.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More