Heemaal News Network

War Laga soo Saaray Sarkaal ka Tirsanaa CIA-da Mareykanka Oo Lagu Dilay Somaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka sarkaal ka tirsanaa CIAda Mareykanka oo ku dhintay howlgal ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo in uu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore

Sarkaalkan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa howlgal wadajir ay u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay deegaanka Gandarshe oo qiyaastii 30km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta Muqdisho.

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka. Waxaan ku duulnay 2: 00 am habeenimo. diyaarado oo askarteena waxay lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay saaxiibkeen Mareykanka ahaa iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayuu yiri ” Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Weerarkaas lagu qaaday Gandarshe ayeey saraakiishu sheegeen in uu ahaa mid fashilmay” 40 daqiiqo kaddib waxey noqotay in aynu dib u guranno annaga oo aan gaarin ujeedadeennii”

Inta udhaxeysa 650 ilaa 800 oo askari oo Mareykan ah ayaa ka howlgalaya Soomaaliya, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

Related posts

Khasaaro ka Dhashay Dagaal Xadka ku Dhex-maray Ciidamada Itoobiya Iyo Suudaan

Heemaall

Somaliya iyo Kenya Oo ku Heshiiyey Shirkii IGAD Ee Lasoo Gebagebeeyey Caawa.(Sawiro)

Heemaall

Milkiilaha Astaan Cable TV Oo Xabsiga Hargaysa Laga Siidaayay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More