Heemaal News Network

War Laga soo Saartay Kulan Dhexmaray Musharixiinta Mucaaradka Iyo Beesha Caalamka.

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay maanta khadka Internet-ka kulan kula yeesheen wakiillo ka socday Golaha Musharraxiinta Madaxweynaha, taas oo qayb ka ah wada shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin saamileyda siyaasadeed ee dalka, waxa ayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in qof walba uu ka shaqeeyo sidii si dhaqso ah loogu qaban lahaa doorashada.

Wadahadalkooda, saaxiibbadu waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen sida ay tahay in loo ixtiraamo heshiiskii doorasho ee 17-kii Sebteembar oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, si dhammaan musharrixiintu ay ugu tartamaan doorka hoggaamineed ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay musharixiinta kala hadleen arrimo ku aaddan bannaanbaxa ay horay ugu dhawaqqeen ee loo ballansan yahay in uu dhaco jumcada soo aaddan, waxaana beesha caalamku ay horay walaac kaga muujiyeen bannaanbaxa.

Related posts

Ex Wasiir Hinda Gaani Oo Ka Hadashay Xilka Qaadistii Uu M/Biixi Ku Sameeyay Shalay.

Heemaall

Madaxweynaha Puntland Oo Safar Dhulka ah ku Tagay Dhuusamareeb.(Sawirro)

Heemaall

Farmaajo Oo ka Hadlay Heshiiskii Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More