Heemaal News Network
somali

Wararka Doorashooyinka Ka Dhacaya Gobolada Mudug Iyo Bay

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada saddex kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca maamulka Koonfur Galbeed.

Kuraasta la qabanayo doorashadooda ayaa kala ah HOP#182 oo uu horay ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, HOP#170 oo uu isna ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay horay ugu fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh oo ka tirsaneyd baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya.

Mursal ayaa ah shaqsiga ugu cad-cad tartanka, marka loo eego musharixiinta la tartameysa, waxaana loo saadaalinayaa inuu ku soo baxo doorashada, maadaama ay saaxib dhow yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Lafta Gareen.

Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee guda-gala doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Galmudug.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana haatan qaban-qaabadii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Shacabka laga dareemayaa magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale waxa ay doorashada kuraastan oo uu ka mid yahay kursiga uu tartamayo Mursal ay ku soo aadeysaa, xilli Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay is hortaag ku sameysay guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kusoo laabtay Muqdisho, isaga oo shaaciyey in loo diiday inuu ka qeyb-galo doorashada.

Galmudug ayaa dhankeeda maanta qabaneyso kursi ka mid ah doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ka haray shantii xildhibaan ee uu horey liiskooda u soo gudbiyay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Kursigaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#054 ayaa waxaa u tartamaya xubno uu ka mid yahay xildhibaanka afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey ee Cabdishakuur Cali Mire, una badan tahay inuu ku soo baxo doorashada maanta dhaceysa.

Related posts

Khasaaraha Qaraxii Ismiidaaminta Ee Galabta ka Dhacay Muqdisho Oo Kordhay

Heemaall

Warbaahinta Dawlada Oo Mar kale Diiday Baahinta Qoraal Caawa soo Saaray Farmaajo

Heemaall

Dowlada Fadaraalka Oo Ciidamo Boolis Iyo Millateri Geysay Magaalada Baraawe

Heemaall