Heemaal News Network
somali

Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Magaalada Boosaaso Oo ay Xiisad Dagaal ka Jirto.

Xiisad colaadeed iyo Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa caawa ka taagan Magaaladda Bosaaso ee gobolka Bari, kaasoo ay wadaan ciidamada Puntland ee daacada u ah Deni iyo kuwa PSF.

Boqolaal ka mid ah ciidanka Puntland ayaa lagu daadiyey wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale, Magaalada ayaa waxaa qeybo ka mid ah ku sugan ciidamo xooggan oo heysto taliyihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cusmaan Diyaano, kaasoo diiday inuu xilka wareejiyo.

Isbitaalada magaalada qaarkood ayaa la geeyay shaqaala dheeraad ah oo caafimaad si hadii la isfara saaro ay xaalada u wajahaan.

Arintan ayaa ka dambeysay markii shalay isimada Puntland ku dhawaaqeen go’aano lagu xalinayo xiisadda taagan, iyadoo uu arrintaas ku gacan seyray Madaxweyne Deni.

Related posts

Gudoomiye Xirsi Oo ka Digay Dibu Dhac ku Yimaada Doorashada Madaxtinimada Somaliland.

Heemaall

Xildhibaan Maxamed Abiibi Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Adeegyada Caafimaadka

Heemaall

Kulan Hargaysa Uga Furmay Ex Wasiir Maxamud Xaashi Iyo Gudoomiye Ciro.

Heemaall