Heemaal News Network

Wariye Afgaanistaan ah Oo ku Geeriyooday Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa.

Wariyihii hore ee telefishanka Dowladda Afgaanistaan iyo laba qof oo kale oo rayid ah ayaa lagu dilay qarax bam oo ka dhacay Kabul halka dad kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen.

Yama Siawash wuxuu dhintay markii bam lagu xiray gaarigiisa uu ku qarxay meel u dhow hoygiisa oo ku yaal caasimada Afghanistan,sida uu Saxafiyiinta u sheegay afhayeenka booliska Ferdaws Faramarz.

Goobjooge, Mohammad Rafi, ayaa sheegay in Siawash aabihiis iyo walaalkiis ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee Gaariga oo ololku ka kacay.

Siawash, oo dhowaan ku biiray bangiga dhexe ee Afghanistan isagoo la taliye ah, wuxuu ahaan jiray nin caan ah oo soo bandhiga arrimaha siyaasadda iyo arrimaha ,waxaana ka howlgeli jiray Tolo News, oo ah kan ugu weyn TV-ga gaarka loo leeyahay ee dalka Afghanistan.

Related posts

Waa Kuma Joe Biden Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka?

Heemaall

Wasiir Cawad-ka Xilka Laga Qaaday Caawa Oo Diiday Xil Safiirnimo Oo loo Magacaabay.(Akhriso)

Heemaall

Kumishanka Dorashooyinka Oo Kala Diray Gaadiidkii Wacyigalinta Degmooyinka Awdal.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More