Wariye ka tirsanaa Raadiyaha Afqaanistaan ayaa lagu dilay bartamaha Gobolka lagu magacaabo Ghor , waxaana uu noqonayaa wariyihii shanaad ee dalkaasi lagu dilo muddo labo bilood guduhood ah.
Wariyaha ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah, waxaana lagu magacaabaa Besmullah Adel Aimaq, waxaana uu ahaa tifaftiraha guud Idaacadda lagu Magacaabo Voice of Ghor radio.
Waxaa la toogtay isagoo ku sii jeeday magaalada Firoz Koh ee Caasimadda Gobolka Ghor maanta oo Jumco ahayd, waxaana sidaasi warbaahinta u xaqiijyay afhayeenka Gobolka Aref Aber.
Dilalka qorshaysan ee lala beegsanayo dadka caanka ah, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, siyaasiyiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda, ayaa noqday mid caan ah bilihii la soo dhaafay iyada oo rabshadaha ay ka sii kordhayaan Afghanistan inkasta oo ay socdaan wadahadalo nabadeed oo ay la leeyihiin Taliban.