Heemaal News Network

Wariyihii Universal Tv Ee Borama Oo Hada Xabsiga loo Taxaabay.

Ciidamada Booliiska gobolka Awdal ayaa xabsiga u taxaabay abbaaro 2dii duhurnimo Wariye Xuseen Caataaye Gaafane oo ka hawlgala Talafishanka Universal, waqti uu ku guda-jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo.

Amarka lagu xidhay wariyhan ayaa ahaa mid uu bixiyay Duqa Degmada Boorama Borama Saleebaan Xasan Xadi

Ma jirin wax waaran maxkamadeed ah oo loo adeegsaday xadhiga wariyahan, marka laga reebo ii-xidha-da Maayar Saleebaanka Boorama, waxayna wararka ay heshay Heemaalnews intaasi ku darayaan in Xadhiga wariyahan uu yimid markii wariye Xuseen uu sheegay inuu joojiyay wada-shaqayntii uu la lahaa Dawlada Hoose Ee Boorama, taasoo ka caraysiisay Duqa Borama oo doonayay in warbaahintu ay maanta baahiyo war uu watay, ugu dambaytiina dhalisay in uu xadhig miciin ka dhigto.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada Somaliland gaar ahaan maamulka Degmada Boorama ayaa waxa sii kordhaya tacadiyada uu kula kaco warbaahinta sanadahan dambe, waxana uu xadhigu yahay xalka kama dambaysta ee ku soo degdega maskaxda madaxda maanta haysa talada Boorama.

Xiriga wariyaha Universal Tv ee Borama ayaa ku soo beegmaya xili ay baaritaanadii hanti-dhawrku dib uga bilowdeen Dawlada Hoose ee Borama, islamarkaana ay saxaafadu indhaha ku hayso hawlahaasi baaritaan.

Related posts

Cabdi Xaashi Oo Isku Dhex Yaacay Iskuna Qasay Shakhsiyadiisa Iyo Xilka Uu Hayo

Heemaal

Banaanbax Looga Soo Horjeedo Dil Iyo Kufsi Gabadh Yar Loogu Gaystay Togdheer Oo Caynabo Ka Dhacay.

Heemaall

Xisbiga Mucaaradka Denmark Oo ka Horyimid In Khasab Lagu Musaafuriyo Somalida Degan Dalkaasi.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More