Heemaal News Network

Wasaarada Caafimaadka Oo ka Warbixisay Kiisaskii Ugu Dambeeyay Ee COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa faah faahin ka bixisay Kiisaskii ugu dambeeyay ee kasoo kordhay Caabuqa Covid19, oo maal mihii ugu dambeeyay dib usoo laba kacleeyay.

Wasaaraddu waxaa ay soo bandhigtay xogtii ugu dambeeyay ee Xaaladdaha soo kordhay iyo dadka ka bogsaday xanuunka, waxaana soo kordhay kiisas cusub oo gaaraya ilaa 28 kiis.

Dadka laga helay caabuqa ayaa intooda badan waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana wasaaraddu sheegtay in Muqdisho laga helay 27 kiis oo cusub.

Waxaana sidoo kale hal qof laga helay Hirshabeelle, waxaana tirada guud ay isku noqonee 28 kiis oo cusub.

28-ka ruux ee laga helay caabuqa ayaa 22 ka mid ah waxaa ay yihiin lab, halka lixda kale yihiin dheddig, Tirada Guud ee Laga Helay waaa 5,013, waxaana tirada guud ee ka bogsatay xanuunka ay tahay 3,733,iyadoo dhimashada guudna ay tahay 144.

Related posts

Al Shabaab Oo soo Bandhigtay Gaadiid Dagaal Oo ay ku Qabsadeen Dagaalkii Shalay Ee Bacaadweyn.

Heemaall

Dowlada Mareykanka Oo Fariin Cad U Dirtay Madaxda Somaliya Iyo Maamul-goboleedyada.

Heemaall

Daawo Madaxwayne Biden Oo Wadahadal la Yeeshay Madaxa Ciidamada NATO.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More