Heemaal News Network
Soomaaliya

Wasaarada Diinta Iyo Owqaafta Ee Somaliya Oo Goordhawayd soo Saartay Maalinta Ciida.

War kooban oo kasoo baxay Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in beri oo sabti ah la dhameestirayo bisha Barakeesan ee Ramadaan Ciidana ay noqoneyso maalinta Axad.

Wasaarada ayaa baadi goob u gashay curasahada bisha Soon fur hasa ahaatee waxa ay sheegtay in la waayay qof aragta bisha , sidaa darteedna beri oo axad ah la dhameestirayo bisha barakeesan ee Ramadaan.

Qaar kamid ah dowladaha Islaamka ayaa horey u shaaciyay in beri oo sabti ah la dhameestirayo 30-ka bisha barakeesan Ramadaan ayna ciida noqoneyso maalinta xigta oo axad ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More