Heemaal News Network
somali

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo War kasoo Saartay Go’aankii RW Rooble.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa goor dhow War kasoo saartay doorashada dalka ka dhaceysa, kadib amarkii kasoo baxay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada loogu ugu baaqay in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee la gaaray.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, xili Galmudug iyo Hirshabeelle ya kasoo horjeesteen muddo kororsiga Farmaajo.

“Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa diiday muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Go’aankaas taageeray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, ayna so dhaweeyeen Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Related posts

RW Rooble Oo Isku-shaandheyn ku Sameeyay Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Heemaall

Wax Ka Ogow Kuliyada Business-ka Ee Jaamacada Camuud& Fursadaha Ay Kuu Hayso

Heemaall

Wasiiro Iyo Masuuliyiin kale Oo ka Qayb-galay Qalinjabinta Dufcadii 11aad Ee Jamacada EELO

Heemaall