Heemaal News Network
somali

Wasaaradda Caafimaadka Oo Shaacisay Dad U Dhintay Cudurka COVID-19.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaaxogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 247 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Somaliland 181 Ruux, Puntland 37 qof, Banaadir 13 Ruux , Hirshabeelle: 9, Koonfur Galbeed: 4 iyo Jubbaland oo laga diiwaangeliyay 3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 155 Rag ah iyo 92 Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 24 Ruux, iyada oo ay ka bogsadeen 143 qofood.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland 28, Banaadir 9, Puntiland 5, iyo 5 Ruux oo Jubbalanad ah.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,368, xaaladood 745 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,152, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

Related posts

Maxkamada Sarre Ee Somaliland Oo ka Hadashay Dacwado kasoo Gaaray Musharixintii Dhacay Ee Wakiilada

Heemaall

Saylici Oo Tababar Usoo Xiray Dhalinyaro Aqoonyahano ah Oo kamid ah Noqday Booliiska.(Sawiro)

Heemaall

Beelaha Hawiye Oo Muqdisho Ku Qabtay Shir Lid ku ah Shirkii Hore Ee Farmaajo ka Dhaanka ahaa Kale Oo Lagu Taageerayo Farmaajo

Heemaall