Wasaaradda Ganacsiga Oo Mamnuucday Qalabka Toys-ka Ee Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciidaha.

Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa mamnuucay alaabaha carruurta ku ciyaaraan sida qoryaha, bastooladaha iyo baaruuda ee loo yaqaano Toys oo inta badan la isticmaalo maalmaha Ciida.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya Ciidul Fidriga ee fooda nagu soo heysa aanay ganacsatada soo dejin karin alaabaha Toys-ka.

Waxaa la faray Ganacsatada in Ciidaha soo socda ay carruurta u keenaan alaabo nabadgelyo oo ka turjumaya is jaceyl.

Carruurta ayaa xilliyada Ciidaha ku ciyaara qoryaha ka sameysan caagga sida Bastooladaha, qoryaha waa weyn iyo baaruuda, taasoo aan ka turjumeyn dareen nabadgelyo, maadaama carruurta Soomaaliyeed labaatankii sano ee u dambeeyay ku soo barbaareen colaado.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Wasiirka:-

© Heemaal News Netwok