Heemaal News Network
somali

Wasarada Waxbarashada Somaliya Shaacisay Talaabo Laga Qaadayo Jaamacado.(Akhriso)

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin maanta u dirtay Jaamacadaha ka howlgala Gobolada dalka.

Jaamacadahan oo aan weli la xiriirin Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada inay ugu danbeyn la xiriiraan 5-ta bisha June, haddii kale tallaabo laga qaadi doono.

“Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare. inay la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu dambayn 05/06/2021″ ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Guddiga.

Jaamacaddii aan muddada loo qabtay la xiriirin Guddiga Qaranka ayaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharciga waafaqsan sida ku xusan War-Saxaafadeedka.

Related posts

M/Cagjer Oo Salaada Ciida la Tukaday Shacabka Jigjiga Weeraray-na Siyaasiyiinta.

Heemaall

Somaliya Oo Xiriir Cusub la Samaysatay Dawlada Russia.

Heemaall

M/Biden Oo ku Dhawaaqay Qorsheyaal ka Dhan ah Caabuqa COVID-19.

Heemaall