Heemaal News Network

Washignton: Taageerayaasha Trump Iyo Bidan Oo Gacmaha Iskula Tagay

Taageerayaasha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kula dagaallameen jidadka magaalada Washington, DC dibadbaxayaal taageersan Biden aroornimadii hore ee manta oo Axad ah, waxana ay taageerayaashu iskula tageen gacanta, waxana ay boolisku xidheen 20 qof.

Banaanbaxyadan Washington oo nabadgalyo ku bilaabmay ayaa isku baday kuwo xiisado iyo rabshadoo wata, waxana Fiidiyowyo la soo dhigay baraha bulshada ay muujinayeen dagaal gacamaha la iskula tagay, dhiig hoobanaya, iyo kooxo-kooxo loo kala baxay, waxana taageerayaasha Trump isku dhacayeen dad kale oo dalbanayay inay kala-dareeraan.

Dacwado kala duwan, oo ay ku jiraan gacan ka hadal iyo hub haysasho, ayaa lagu soo oogay dadka lagu qabtay mudaharaadkan sida ay saraakiishu sheegeen. Laba sarkaal oo boolis ah ayaana dhaawacmay.

Hal qof ayaa loola cararay cisbitaalka kadib markii dhaawac mindi ah uu soo gaadhay afhayeen u hadashay waaxda dab damiska iyo waaxda adeegyada caafimaadka degdegga ah ayaana sidan sheegtay.

Dhowr magaalo oo kale ayaa Sabtidii sidoo kale lagu arkay isu soo baxyada taageerayaasha Trump oo aan aqbalin natiijadii lagu doortay musharaxii Dimuqraadiga Joe Biden’s “Jooji Xatooyada” iyo “Tiri Cod kasta” ayay ku dhawaaqayeen taageerayaasha Trump ee isku soo baxay.

Related posts

Weerar khasaare Gaystay Oo Caawa ka Dhacay Jowhar.

Heemaall

“Way Dhamaatay Xilligii Qabiil Lagu Owrkacsan jiray”Mahdi Guuleed Oo ka Digay.

Heemaall

Xulka Kubada Cagta Ee Awdal Oo si Wayn Loogu soo Dhaweeyay Borama

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More