Heemaal News Network
somali

Wasiir Bayle Oo Booqday Qaybta Cashuuraha Ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa hawl kormeer ah u tagay Furdada Cashuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha dalka.

“ Waxa aan labadii maalin ee la soo dhaafay ku howlaneyn kormeerka Furdada Cashuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha ay ka soo galaan dalka, intii aan ku guda jirnay kormeerkii Furdada waxaa inoo suuro gashay in aan xog wareysano shaqaalaha ku howlan dakhli uruurinta iyo qaar kamid ah ganacsatadii loo adeegayay”.

Sidaas waxaa Boggiisa Facebook ku qoray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka ayaa hadalkisa sii raaciyay “Wasaaradda Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si daah furan ugu adeegto bulshada Soomaaliyeed iyada oo la dhaqan galinyo hanaanka dib u habeynta Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha ee dalka”.Ugu danbeeyn Wasiir Beyle ayaa xogwareysi la yeesheen Howl wadeenada ku howlan dakhli uruurinta waxaana uu ku booriyay inay bulshada si daah furan ugu adeeggaan.

Ugudanbeeyntii Wasiir Beyle ayaa xogwareysi la yeesheen Howl wadeenada ku howlan dakhli uruurinta waxaana uu ku booriyay inay bulshada si daah furan ugu adeeggaan.

Related posts

La-taliyihii Farmaajo Oo Laga soo Celiyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Heemaall

Kenya Oo Labbo Dayaaradood U Fasaxday In Ay Hargaysa Ka Dagaan

Heemaal

Midawga Afrika Oo ka Dalbaday Itoobiya in Liiska Argagaxisada Laga Saaro TPLF.

Heemaall