Heemaal News Network
somali

Wasiir Bayle Oo Sheegay In Dawlada Fadaraalka Lacagtii Ka Dhamaatay

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Xilgarsiinta Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay isbadalka ku yimid taageerada dowladaha iyo deeq bixiyayaasha Soomaaliya ka caawiya mashaariicda iyo Kabka Miisaaniyadda dowladda kadib kulan fogaan arag uu uga qeybgalay Aaladda Zoomka.

Beyle ayaa qiray in Deeq Bixiyayaasha Caalamiga ay jarteen taageerada dhaqaale ee ay siin jireen Dowladda.

“Lacagihii adduun weynaha nasiin jiray waa naga goosteen, xoogaa Sucuudiga iyo Qadar nasiiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December,January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda”.

Dowladdo iyo Ururo Caalami ah oo ay kamid yihiin Midowga Yurub,Jaamacadda Carabta,AU,Mareykanka ,Britain iyo kuwo kale ayaa horey si cad u sheegay in talaabada dowladda Federaalka ee ay muddada ku kororsatay uu saameyn doono taageerada Maaliyadeed ee ay siinayaan Soomaaliya iyag oo ku goodiyay in ay ka fiirsan doonaan cilaaqaadka iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin Soomaaliya.

Related posts

Wasiir Seed Oo soo Dhaweeyay Hanti Dhawrka Baadhista ku Bilaabay Wasaaradiisa.

Heemaall

Biden: Nabadi Ma Jirayso Ilaa La Helo Dal Madaxbanaan Oo Yuhuuda

Heemaal

Dagmooyinka Somaliland Oo Awoodi Waayey Xuska 18 May

Heemaal