Heemaal News Network
somali

Wasiir Bayle Oo Turkiga kala Hadlay Arrimo Muhiim ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka iyo sidii Turkiga u taageeri lahaa qorshahaas.

Wasiirka ayaa maanta danjiraha ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda maaliyadda dalka, Turkiga waxaa uu yahay dal si weyn Soomaaliya u garab taagan sida, arrimaha amniga iyo guud ahaan dib u dhiska dalka.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana ay ka taageertaa dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tababarada Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Related posts

Madaxwayne Biixi Oo Khudbad ka Jeediyay Furitaanka Balaadhinta Dekada Berbera.

Heemaall

Guddida Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyay Inaan Laxidhi Karin Musharixiinta.

Heemaall

TPLF Oo Sheegatay inay la Wareegtay Magaalada Muhiimka Ee Dessie.

Heemaall