Heemaal News Network
somali

Wasiir Bayle: Waxaa Naga Go’an Horumarinta Wax Soo Saarka Fikradaha Cusub

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo ay ka wada hadleeyn dar-dargalinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah Xafiiskayga kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Abdi Sheikh oo aan ka wada hadalnay dar-dargelinta dakhliga qeybaha Isgaarsiinta dalka, Waxaana naga go’an in aan horumarino wax soo saarka iyo fikradaha cusub ee wax tarka u leh dadkeena iyo dalkeena”. ayuu yiri Wasiir Beileh

Sidookale Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah u leeyihiin isku xirka bulshada Hey’adaha Isgaarsiinta dalka kobcinta dhaqaalaha iyo sare uqaadidda Dakhliga gudaha.

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Sheegtay Inuu Saaxiib Dhaw la Yahay Farmaajo.

Heemaall

Dawlada Somaliya Oo War kasoo Saartay Keenista Qaadka Kenya(Akhriso)

Heemaall

Madaxda Maamul-goboleedyada Iyo Musharaxiinta Oo Kulan Deg-deg ah Uga Furmay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall