Heemaal News Network

Wasiir Cawad Oo Kenya Ku Tilmaamay Dalka Ugu Muhuumsan Somaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa Kenya ku tilmaamay in ay tahay dalka ugu muhiimsan dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ugu muhiisan dowladda Kenya, xilli weli aan xal laga gaarin khilaafka diplumaasiyadeed e u dhaxeeya labada dowladood.

Wasiir Cawada waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya ay mar waliba qaadato siyaasad isku soo dhaweyn ah si loo mideeyo wadamada Geeska Afrika gaar ahaan kuwa saameynta ku leh Somaaliya.

“Mar walba Soomaaliya waxaa ay qaadataa go’aamo isku soo dhawyen ah oo muhiim u ah dalalka Geeska Afrika si loo fududeeyo isku socodka ganacsiga iyo is dhexgalka bulshooyinka ayuu yiri” Wasiir Cawad.

Hadalkan oo uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka sheegay furitaankii safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dowladood

Related posts

Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Somaliland Oo ku Biiray Shirka Musharixiinta Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Meydka Haweeney si Arxan Daro ah Loogu Dulay Muqdisho Oo Saaka la Arkay.

Heemaall

Dowladda Itoobiya Oo Hub ka Dhigis ku Samaysay Askarta Tigrayga Ee ka Jooga Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More