Heemaal News Network
somali

Wasiir Duraan Oo Kenya kala Hadlay Xayiraadda Duulimaad Ee Somaliya ku soo Rogeen.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha Diyaaradaha Dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo inaysan saameyn ku yeelan Diyaaradaha xayiraadda Dowladda Kenya ku soo rogtay isu-socodka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dowladda ay kala shaqeynayso ganacsatada Diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan. “ ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’aantahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolka.

Related posts

Dabagale Oo U Digay Waraabe: Nin Dumarka Ku Dhex Fadhiyey Dagaalkii SNM,,,

Heemaall

QM Oo Ka Dareen-celisay Shirka Muqdisho

Heemaall

Muqdisho Iyo Magaalooyinka Kale Ee Somaliya Oo Maanta siweyn Looga Ciiday.

Heemaall