Heemaal News Network
Soomaaliya

Wasiir ka Tirsan Xukuumadda RW Kheyre Oo Goor-dhawayd Is Casilay.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud Xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa Goordhowayd ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda.

Axmed Cabdi Qoor-qoor oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa sababta uu isku Casilay ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Musharax Qoor-qoor ayaa u mahadceliyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay mudadii saddexda sanno aheyn ee uu lasoo shaqeeyay.

Musharax Qoorqoor oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Musharax ay sigaar ah u taageereyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More