Heemaal News Network
Soomaaliya

Wasiir kale Oo Maanta Is-casilay, Kuna Eedeeyay Dawlada Dhexe Faragalinta Dorashada Galmudug.

Musharax Cabdullaahi Faarax ayaa iska casilay Xilkii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo Ra’isul wasaare Kheyre iyo saaxiibadiisii Xukuumadda uga mahadceliyey wada shaqeyntii dhexmartay intii ay ka wada tirsanaayeen Xukuumadda Soomaaliya.

Musharaxa ayaa sababta uu isaga casilay xilkiisa ku sheegay inay tahay isagoo doonayo inuu u tartamo xilka madaxweynimo ee Maamulka Galmudug iyadoo maalmaha soo socdo la filayo inay dhacdo doorashada loogu tartamayo xilkaas.

Wasiirka ayaa shir uu shalay ku qabtay Dhuusamareeb ku sheegay in xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Handaad ku heyso xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ee dhawaan lasoo dhisay.

Waxaa uu sheegay in lagu amray in aysan la kulmi karin Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimadda Galmudug, islamarkaana liiska laga saari doono Shaqsigii Salaama Musharaxiinta aan ka aheyn midka dowladda.

Xukuumadda Soomaaliya ee uu ka tirsan ayuu sheegay in ay dhibaato badan ku heyso degaanada Galmudug, islamarkaana hadii aan wax laga qaban dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan.

Wasiir Wehliye ayaa ka mid ahaa xubnihii sidda weyn uga qeyb qaatay dib u heshisiintii Ahlusunna iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More