Wasiir Maareeye Oo Shirkii Golaha Wasiirada Somaliya Dhex-keenay Arrimaha Somaliland Oo Aan loo Fadhiyin.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa soo jeedidin aan loo fadhiyin kusoo daray qorshayaasha Xukuumadda oo maanta lagu soo bandhigay Kulan Golaha Wasiirada isugu yimaadeen, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankan si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka.

Wasiir Maareeye ayaa soo jeediyay inaan lagu soo darin Tubta siyaasadda loo dhan yahay arrinta Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

“Qorsha maalinlaha socda iyo tubta lagu fuliyo howlaha qaranka waa arrimo aad u qiimo badan, waxaa soo jeedinayaa tub kale in lagu daro oo ah tubta Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Tubta siyaasadda loo dhan yahay wax ka hadlayay arrinta Somaliland kuma jirin”ayuu yiri Wasiir Maareeye oo si layaab ah mowduuc gaar ah uga furay bandhiggii Xukuumadda ee lagu soo bandhigayay qorshayaasha maalinlaha ah.

Mr Maareeye ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay heystaan nabad muddo 30 sano ku dhow, isla markaana ay u dhibaateysan yihiin inay dowladdu gaarto oo ay helaan waxbarasho iyo shaqo, waxaa uu tilmaamay in haddii dowladda qorshe ka lahaato ay tahay in lagu soo daro.

“Saddexda arrimood ee ka hadleynay ee dhameystirka Federaalka, Dib u eegista Dastuurka iyo doorashooyinka, saddexdaas ma soconayaan haddii aan Somaliland qorshaheeda lagu darin, haddii Midnimada dalkaan laga fikiraayo”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka jawaabayay soo jeedinta Wasiir Maareeye ayaa sheegay arrinta Somaliland ay tahay arrin gaar ah ama mashruuc u gaar ah wada hadadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay tahay shaqo gooni oo socota oo isaga iyo Madaxweynaha ka shaqeynayaan, isla markaana ay la wadaagi doonaan.

Arrintan uu soo bandhigay Wasiir Maareeye ayaa indhaha ka jeedisay bandhigga weynaa Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Xukuumaadiisa ku soo bandhigayeen waxqabadkooda iyo qorshayaasha maalinlaha, waxaana ay bannaanka soo dhigtay in qaar ka mida Golaha wasiirada aysan ka war heynin qorshayaasha xukuumadda.

Inta badan Wasiirada Xukuumadda ee ka hadlayay bandhiggan ayaa hadaladoodu ahaayeen kuwo taageero iyo amaan ah oo madaxda sare loo jeediyey, waxaase si weyn uga duwanaa wasiir Maareeye oo jawigii goobta wax weyn ka bedelay.

© Heemaal News Netwok