Heemaal News Network

Wasiir Oomaar Oo ka Hadlay Duulimaadyada Caalami ah Ee Hakadka la Galiyay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha Muqdisho ay tahay mid wanaagsan duulimaadyaduna sidii caadiga ahayd ugasoo dagayaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shirkaddo duulimaadyadooda kansalay sida Ethiopian Airways iyo Turkish Airlines, kuwaas oo berrito dib u bilaabaya duulimaad yadooda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay duulimaadyada la kansalay in aanay la xiriirin xaaladdaha ka taagan magaalada Muqdisho, balse ay jiraan arrimo xagooda ah oo keenta in marar badan ay kansalaan duulimaadyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay diyaarada Turkish Airlines in ay duulimaad toos ah maalinta berri ah ku imaanayso Muqdisho halka Uganda Airlines ay u baaqatay rakaabka oo ku yaraaday awgiis, sida uu sheegay wasiirku.

Oomaar wuxuu sheegay in madfac ku dhacay nawaaxiga garoonka in aanay wax qatar ah u geysinin shaqada garoonka islamarkaana laamaha amnigu ay baaritaan ku hayaan ciddii falkaas ka dambeysay.

Related posts

Maamulka Koofur Galbeed Iyo Ismaamulka Soomalida Itoobiya DDS Oo Heshiis Amni Gaadhay

Heemaal

“Biixiyoow Abti Ina Kala Meer-Meeri Inta Aan Iska kaa Celin” Faysal Cali Waraabe

Heemaall

Ninkii ka Dambeeyey Qaraxii ka Dhacay Degmada Xamar-weye Oo Gacanta lagu Dhigay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More