Heemaal News Network

Wasiir Sheegay In Musuq-maasuq Weyn Uu ka Jiro Xukuumada Rooble

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu kajiro Musuq-maasuq kii ugu weynaa, kaas oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kaliya musuq maasuq u yaqaanaan lacago la kala qaato, balse dalka uu kajiro musuq maasuq Waxbarasho, sida Iskuulada & Jaamacadaha.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in maalin dhaweed ay dhacday in Arday farabadan oo doonaya inay dhigtaan Jaamacad, balse markii baaritaan lagu sameeyay laga weyay arday heysta Shahaadada Dugsiga sare.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qorsheyneyso in musuq maasuq dhanka waxbarashada ah ee jira inay waxka qabato.

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Madaxtooyada Hargeysa ku Qaabilay Safiirka Uk Ben Fender.(Sawirro)

Heemaall

Puntland Oo War kasoo Saartay Khasaaraha Qarax Lagu Weeraray Ciidamada Amniga Gaalkacayo

Heemaall

Golaha Senatka Mareykanka Oo Maanta Dhagaysanaya Dacwad Ka Dhan Ah Trump

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More