Heemaal News Network
somali

Wasiirad Lagu Helay Inay Malaayiin Dollar ka Lunsatay Qoysas Sabool ah Oo Xabsiga loo Taxaabay.

Wasiirkii hore ee horumarinta bulshada, ee dalka Zimbia Emerine Kabanshi, ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi ah.

Maxkamad ku taalla caasimadda dalkaasi Zambia ee Lusaka, ayaa dembi ku heshay kaddib markii wasaaraddeeda ay lunsatay lacag dhan $4.3m (£3m) oo loogu talo galay qoysas sabool ah.

Sanadkii 2018, Madaxweyne Edgar Lungu ayaa shaqada ka tiray Ms Kabanshi isagoo sidoo kalena cayriyay 80 qof oo ka shaqeynayay wasaaradda waxbarashada guud kaddib markii lacag dhan $1.6m oo deeq ahayd loo adeegsaday si khaldan.

Fadeexaddaas ayaa sababtay in dowladaha UK, Finland, Ireland iyo Sweden ay joojiyeen deeqihii ay siin jireen dalkaas ku yaalla koofurta Afrika.

Ms Kabanshi ayaa sidoo kale loo heystaa inay u hoggaansami weysay sharciga, iyadoo la filayo inay racfaan ka qaadato xukunka.

Related posts

Garsoorayaasha kubadda Cagta Somaliland Oo Is-casilay

Heemaall

Ruushka Iyo Talibaan Oo Heshiis Cusub kala Saxiixday.

Heemaall

Afar ka Mid ah Kuraasta Golaha Shacabka Ee Somaliland Oo Lagu Doortay Muqdisho.

Heemaall