Wasiirka Aminga Oo Soo Ceshay Hawshii Laga Nastay, Lana Shiray Xildhibaanada Beesha Mudulood

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa afur u sameeyay Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee ka soo jeeda Beesha Mudullood.

Lama oga xaqiiqo ahaan waxa uu daarnaa shirkani, waxaase caadiya in wasiiradu ay la kulmaan xubnaha beelaha iyaga oo muujinaya in ay ku tiirsan yiiin jufadooda, lana tashanayaan.

Kulankan uu la qaatay Wasiirka Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Beesha Mudullood ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu Wasiirku soo saaray amar lagu farayo Xildhibaanada iyo Wasiirada Xukuumadda inay muddo 14 cisho gudahood ku soo diiwaan geliyaan ilaaladooda iyo hubka ay wataan.