Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Dr Sacad Cali Shiraha Somaliland.(Sawiro)

Wasiirka arimaha debeda ee dalka Itoobiya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Somaliland Dr Sacad Cali Shire, kulankan oo saacado badan qaatay waxaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaayeen, cilaaqaadka ka dhexeeya Somaliland iyo Itobiya.

Wasiirka arimaha debeda Somaliland,waxa uu dawlada Itoobiya u bandhigay fursado ganacsi oo ka banaan somaliland sidoo kale waxa wasiirku dhigiisa kala hadlay sidii loo fududayn lahaa isku socodka labada dal,maadaama ay yihiin labo danwadaaga ah.

Ugu danbayn xukuumada somaliland ayaa u muuqata inay doonayso inay ka faa,iidaysato isbedelka hanaqaaday ee ka bilaamay wadanka itobiya, kaas oo saamayn weyn ku yeeshay wadamada geeska africa.

© Heemaal News Netwok