Heemaal News Network

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Laga Helay Cudurka COVID-19.

Wasiirka arrimaha dibeda ee xukuumada Somalia Maxamed C/risaaq Maxamuud oo ku sugan magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19.

Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa inuu dalka Burundi u tagay ka qeyb galka shir halkaas ka furmayey oo lagu casuumay DF balse laga helay markii uu halkaas tagay cudurka COVID-19 oo uu xusay inuu kala yimid magaalada Muqdisho.

“Waxaan hadda kaala soo hadlayaa dalka Burundi oo aan u imid shir, maalintii 8-aad waxaan ku jiraa Karantiil Maxaa yeelay waxaa igu soo dhacay oo aan ka soo qaaday Xamar cudurka COVID-19, qiyaas bal inta Soomaali ee Xamar maalmahaan ugu dhintay ama la il daran Cudurka” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayey warbaahinta DF.

Cudurka COVID-19 oo ku soo labo kacleeyey meelo ka mid ah caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana maalin walba la diiwaan geliyaa boqolaa qof oo cudurkam uu soo ritay, halka dad badan oo magac ku lahaa Soomaalida dhexdeeda ay u dhinteen.

Related posts

Waa Kuma Joe Biden Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka?

Heemaall

QM Oo Digniin kasoo Saartay Xaaladaha Siyaasadeed Ee ka Taagan Uganda

Heemaall

Kulan Lagu Xalinayo Khilaafka Doorashada Oo ka Bilaabanaya Madaxtooyada Puntland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More