Wasiirka Arimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian Oo Gaadhay Magaalada Adisababa

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu ku joogi doono booqasho qaadaneyso laba maalmood.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u tagay Itoobiya ay tahay sidii Paris ay uga taageeri laheyd Itoobiya in la xaliyo Khilaafka kala dhaxeeya Eritrea iyo Itoobiya.

Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxda Itoobiya ay ka wadahadli doonaan sidoo loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya Fransiiska iyo Itoobiya.

Asmara iyo Adis-ababa tan iyo markii Eritrea ay ka qaadatay xornimada Itoobiya 19993 ka dib dagaal u dhaxeeyay labada dal kaasi oo socday 30 sano, dowlad walba waxay midda kale ku eedeyneysaa in ay taageerto kooxaha Fallaagada ah.