Wafdi Uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Gaaray Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiin.

Sida aan Wararka ku heleyno Wasiirka iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Baydhabo u tagay xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo iyo dib u dhaca laga cabsi qabo in ay ku timaado Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socda ayaa la filayaa in kulamo la qaataan Madaxda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Hogaanka Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo waxgaradka Koonfur Galbeed.

© Heemaal News Netwok