Heemaal News Network
somali

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Booqasho ku Tegay Imaaraadka.(Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iiliyiinta Yair Lapid iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Mr Lapid ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyay ee Israa’iili ah oo booqda dalkaasi Khaliijka tan iyo intii Israa’iil, Imaaraatka Carabta iyo Bahrain ay kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo ay ku soo celinayaan xiirirkooda sagaal bilood kahor.

Mudane Lapid, ayaa wuxuu wadahadalo la leeyahay dhigiisa Imaaraadka Carabta Candullaahi bin Zayed Al Nahyan kaasoo mudada laba casho ee dalkaas uu ku sugan yahay ay kawada arrin-sanayaan xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ammaanka iyo ganacsiga.

Inta lagu guda jiro booqashada labada maalmood, Lapid ayaa la kulmi doona dhiggiisa Imaaraatka, Sheek Cabdullaahi Bin Sayid Al Nahyaan , wuxuuna daah furi doonaa safaaradda Israa’iil iyo qunsuliyadda oo ku kala yaalla magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai.

Booqashadan waxay sidoo kale muhiim u tahay is waa dhexgalkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee u dhaxeeya labada dhinac tan iyo dgaaalkii Israa’iil iyo Qaza ee bishii hore. Ugu yaraan 256 qof ayaa lagu dilay Qaza, sida laga soo xigta Qaramada Midoobay, halka 13 kalena lagu dilay gudaha Israa’iil.

Related posts

Maamulka Awdal Oo ka Dayriyay Xaalada Degmada Calixaydh Iyo Deegaano kale Oo ka Tirsan Gobolka

Heemaall

Daawo Ciidamadi Mucaardka Oo La Baacsanayo Muqdisho

Heemaal

Hasan Sheekh Oo si Adag Uga Hadlay Khilaafka Farmaajo Iyo Rooble

Heemaall