Heemaal News Network

Wasiirka Cusub Ee A.Dibada Oo loo Dhaariyey Xilkii Dhawaan loo Magacaabay(Sawirro)

Wasiirka cusub ee Arimaha Dibadda xukuumada Somalia Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa maanta loo dhaariyay xilkaas ka dib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Somalia Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo Ku-xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday ayaa Goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiirka Cusub.

Max’ed C/risaaq Max’uud ayaa xilkan loo magacaabay maalmo ka hor ka dib markii RW Somalia uu xilkii ka qaaday Axmed Ciise Cawad oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradaas oo xilka hayey sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa la rumeysan yahay inuu eersdaday qoraal uu soo dhigay bogga Twitterka ee Wasaarada arrimaha dibeda Somalia kaasoo uu ku taageeray howlgalka Dowlada Itoobiya ka wado gobolka Tigray.

Qeybta hore ee qoraalka ayaa wanaagsaneyd, balse Dowlada Itoobiya ayaa ka carootay qeyb kale oo ka mid aheyd qoraalka taasoo loogu baaqayey dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya iney khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan, waxaana Wasiir Cawad uu iska diiday xil safiirnimo oo loo magacaabay.

Related posts

Kiis Nooca Cusub Ee Covid-ka UK Oo Laga Helay Dalka Faransiiska

Heemaal

Maamulka Biixi Oo Xilkii ka Qaaday Gudoomiyayaashii Waxbarashada Ee Gobolada Somaliland

Heemaall

Sirdoonka Maraykanka Oo soo Saaray Warbiixin ku Aadan Dilkii Wariye Jamaal Khashoggi

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More