Wasiirka Duulista Oo ka War-bixiyay Shil Diyaaradeed Oo ka Dhacay Garoonka Muqdisho.

Sii haya Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar, ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaarad Xamuul ah oo maanta shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay diyaarada shilka gashay oo ka diiwaangashan dalka Kenya, in duuliyaha waday uu lumiyay xakamaynta isteerinka, taasoo keentay in ay ku dhacdo derbiga garoonka ka xiga dhinaca badda.

Wasiirku wuxuu sheegay in 3 qof kasoo gaareen dhaawacyo fudud.

Dhaqdhaqaaqa garoonka ayaa la hakiyay kadib shilkaan, hase yeeshee wasiirka duulista ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin in saacado kadib dib u bilaabandoonto shaqa caadiga ah ee garoonka.

Sanadkaan 2020, waa sanadkii ugu badnaa oo ay Soomaaliya ka dhacaan shilalka diyaaradaha xamuulka.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy