Heemaal News Network
Soomaaliya

Wasiirkii Difaaca Dalka Suudaan Oo Geeriyooday.

Wasiirka Difaaca ee dalka Suudaan, Gamal Omer ayaa ku dhintay magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Suudaan Arbacada maanta, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Suudaan.

Golaha guud ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Gamal Omer oo 59 jir ah uu ku sugnaa magaalada Juba si uu ugala hadlo wadahadalada amniga ee ay la leeyihiin kooxaha mucaaradka.

Suudaan waxay ku sheegtay dhimashada Omer in ay sababtay wadne xanuun.

Omer wuxuu xubin ka ahaa Golaha Militariga ee Ku-meelgaarka (TMC) oo xukunka la wareegay ka dib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir sanadkii la soo dhaafay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More