Heemaal News Network
Caalamka

Wasiirkii Maaliyada Ingiriiska Oo Is-casilay Kaligii Taliye-nimada RW Boris Johnson

Raiisel wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ku qasbay wasiirkiisa maaliyada maanta oo khamiis ah in uu iscasilo kadib markii uu ka horyimid siyaasadaha uu damacsan yahay inuu dalka ku hogaamiyo, waxana la aaminsan yahay in iscasilaadan ay astaan u tahay sida uu RW Boris ay ka soo if-baxayaan astaamihii kaligii-taliyayaasha, isla markaana uu soo magacaabayo gole wasiiro ah oo u daacad ah meelna-mariya aragtidiisa ku aadan mustaqbalka Britain ee wixii ka dambeeyay Brexit.

RW Johnson, oo doonaya inuu hoos u dhigo waxwalba oo caqabad ku noqonkara siyaasadiisa ayaa si dhakhso ah ugu beddelay Wasiirkan is casilay ee lagu magacaabo Sajid Javid ku xigeenkiisii Rishi Sunak, oo ah taageere daacad u ah ra’iisul wasaaraha, inta badana warbaahinta ka soo muuqda isaga oo iibgaynaya siyaasada dawlada ee mustaqbalka Britain.

RW Johnson iyo siyaasiyiinta ku xeeran ayaa ah kuwo si taxaddar leh ugu diyaargaroobay is-ku-shaandhayn lagu sameeyo dawlada, iyagoo markaas isbedelka iman kara u arka fursad lagu kobcin karo karti jiilka cusub, gaar ahaan haweenka, halka sidoo kale aanay meesha ka maqnayn in xilal sare lagu abaal mariyo xubnaha daacada u ah Raysal wasaaraha iyo siyaasadihiisa muranka dhaliya.

Si kastaba ha ahaatee, iscasilaada wasiirkan maaliyada ee Britain oo dadka qaar aaminsan yihiin inay saamayn ku yeelanayso RW Boris iyo xulafadiiisa ayaa ahayd mid uu Raysal wasaaruhu si fudud u aqbalay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More