Wasiir Abraar Oo Odayaasha Dhaqanka Ee Reer Awdal Ku Guubaabiyay Ilaalinta Midnimada Iyo Joojinta Jafaajiriqa

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Gaashaandhiga Md. Mustafe Faarax Abraar ayaa odayaadha dhaqanka ee gobolka Awdal ku darfaaray dakaynta Midnimada iyo Walaaltinimahada, sidana Waxa uu Wasiiru-dawluhu sheegay waqti lagu marti-qaaday kulan ay lahaayeen odayaasha dhaqanka ee gobolada Galbeedka Somaliland oo la soo gabagabaynayay.

Wasiirudawlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliland Md. Musfate oo dadka reer Awdal la hadlaya ayaa ku booriyay Qaadashada kaadhka codbixinta, iyo sidoo in bulshadu ay u gurmato dadka walaalahooda ee ay Abaaruhu taabteen, sidoo kalena loo baahan yahay in dhagaha loo furo fariimaha bahda caafimaadka ee ku aadan ilaalinta nadaafada si looga hortago faafida cudurka Shuban-biyoodka ee Boorama ka dilaacay