Heemaal News Network

Wasir Janan Oo Shaaciyay Qorshayaal Uu ka Diiday Farmaajo iyo Taliyaha Nisa Ee Fahad Yaasiin

Wasiirka Amniga Jubbaland Cadirashiid Xasan Cabdi Nuur Janan ayaa shaaciyay wadahadalo qarsoodi ah uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Nabad Sugida in uu fashil kusoo dhamaaday .

Wareysi uu bixiyay Cabdirashiid Janan ayuu ku sheegay in uu siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo & Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin una soo bandhigeen qorshayaal ka dhan ah Axmed Madoobe balse uu ka diiday.

Janan ayaa sheegay in Fahad Yaasiin kula kulmay magaalada Nairobi isla markaana uu u sheegay in uu doonayo in uu arrin kala hadlo, balse ka hor ay meesha ka saarayaan warqad waaran dacwadeed ah oo horay dowladda Soomaaliya ay uga gudbisay.

Waxa uu sheegay Janan in safar deg deg ah kusoo gaaray Muqdisho lana kulmay xili habeen ah Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in Farmaajo ka codsaday in uu fashiliyo doorashada Jubbaland uu Axmed Madoobe abaabulayay balse uu ka diiday.

“Waxaan la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ii soo baxday in uusan diyaar u aheyn in uu la heshiiyo Axmed Madoobe, waxaa ii soo baxday khatar ah in Shacabka Soomaaliyeed ee hal qoys isku ah oo degan jubbaland in la isku diro oo dhibaato ka imaan karto shaqsiyan, waxaana u sheegay in arrintaasi sax aheyn asigana dani ugu jirin ayuu yiri” Wasiir Janan.

Janan ayaa xusay in jubbaland ay degan yihiin 36 Beelood ayna suuratagal aheyn in la iska horkeeno, sidoo kale Madaxweyne farmaajo uu sheegay in uu weeydiiyay tallaabada uu qaadi doono hadii Axmed Madoobe ay doortaan 75 Xildhibaan oo ka kooban yahay Baarlamaanka Jubbaland uuna ugu jawaabay inay la Shaqeeynayaan balse Taliyaha NISA uu ii sheegay inay la dagaalamayaan Axmed Madoobe hadii la doorto taasina ay dhacday.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cadirashiid Janan ayaa markii dambe dowlada Soomaaliya ka qabatay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xili uu taransit kusii marayay, waxa uuna Janan oo mudo ku xirnaa Muqdisho markii dambe ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Askar Lagu Helay kufsi Iyo Dil

Heemaall

Dab Qabsaday Beero Ku Yaala Gobolka Waqooyi Galbeed Ee Soomaaliya

Heemaal

Xisbiga Dimoqraadiga Oo Bilaabay Talaabo Adag Oo ka Dhan ah Trump ka Dib Rabshadihii Capitol Hill.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More