“Waxaa jira Deegaano Uu Mamnuuc ka Yahay Calanka Somaliya”Xasan Sheekh Oo ka Hadlay Maalinta Calanka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 66 sano guuradii ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee Soomaaliya calan yeelato.

Xasan Sheekh ayaa xusay in calanka Soomaaliya mamnuuc ka ahaa in ka badan 85% dhulka Koofurta iyo bartamaha markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya September 2012, iyada oo calanka Al-Shabaab oo kaliya uu ka taagnaa.

“Ilaaheey fadligiis, dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena darteed, waxaan ku guuleysannay in calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo uu ka dul babado,” ayuu ku yiri hadal uu si gaar ah ugu jeediyay bulshada munaasabadda maalinta calanka.

“In ka yar 10% ayaa lagu soo koobay dhulka ay Al-shabaab ka talinayeen markii uu xilka wareejiyay Xasan Sheekh. Waxaa la xoreeyay in ka badan 25 degmo oo ka tirsan dalka”

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan ka mamnuucay calanka Soomaaliya oo maanta 66 sano jirsaday, walina waxaa jira deegaanno badan oo calanka uu mamnuuc ka yahay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy