Heemaal News Network

“Way Dhamaatay Xilligii Qabiil Lagu Owrkacsan jiray”Mahdi Guuleed Oo ka Digay.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa u jawaabay musharixiinta Madaxwehnaha Soomaaliya & Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeestay Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

Mahdi Guuleed oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday fulinta heshiiskii doorashada oo ay qeyb ka ahaayeen Magacaabista Guddiyada doorashooyinka dalka.

Isaga oo ka jawaabayay cabashada musharixiinta & Xubnaha mucaaradka ee ku aadan in guddiyada doorashooyinka laga soo xulay Hay’adda NISA & Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo talada kaliya ee ku lahaa uu ahaa in heshiiska doorashada Baarlamaanka la horgeeyo.

“Heshiiska doorashada ha noqdo sharci lagu wada Shaqeeyo qof walba oo siyaasi ah oo taageero lehna ay halkaasi ku cabiraan in dalka sharci kajiro, waxaana taasi ay ku tusuneysaa in dalkaan uu shaci leeyahay cidii ixtiraami weysana hay’adaha dowladda ayay u taallaa ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay qabiil ka koreen ayna ogaadeen dowladnimada waxaa ay tahay, isla markaana uusan meel garsiin Karin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dalkaan lagu Maamulayo sharci balse aan lagu mamuleyn fowdo lagana gudbay xilligii qabiilka iyo awooda wax lagu raadin jiray rabshadna lagu abuuri jiray

“Ummada Sooaaliyeed waa ay ka gudubtay qabiil iyo xilligii lagu Owr ksan jiray oo macaash lagu raadin jiray, waxaana ay fahMeen dowladnimada waxaa ay tahay ayuu yiri “ Mahdi Guuleed.

Related posts

Soomaliya Oo Ka Noqotay Taageeradii Ay U Muujisay Itoobiya Dagaalka Tigreega

Heemaal

Joe Biden Oo Ku Guulaysatay Doorasahadii Madaxtinimada Maraykanka

Heemaall

Jabuuti Oo Saylac Ka Dhisaysa Marso Kaluumaysi

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More