Heemaal News Network

Weerar Caawa Lagy Qaaday Dhuusomareeb iyo Rasaas Oo Wali ka Socota.

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa caawa mar kale weerar madaafiic ah ku qaaday magaalada Dhuusomareeb ay joogaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Goobjooge ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa u sheegay Shabakada Allbanaadir in tiro madaafiic ah Al Shabaab kusoo tuureen magaalada Dhuusomareeb , waxa uuna xusay goobjoogahan in madaafiicda ku dhaceen qeybo kamid ah magaalada.

Madaafiicda kadib ayaa iska hor imaad xoogan waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusomareeb gaar ahaan goobta Al Shabaa kasoo tuureen madaafiicda, waxaana Al shabaab weerar ku qaaday ciidamada dowlada oo halkaasi kusii diyaarsanaa.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay caawa fuliyeen waxa ay nolosha kusoo qabteen Maleyshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo qorsheynayay in ay Hoobiyaal ku weeraraan magaalada Samareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyeyaasha howlgalka hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mida kooxda Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiidkii, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay u adeegsanayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Waa habeenkii labaad oo Al Shabaab weerar madaafiic ah ku qaadaan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ay xiligan joogaan Madaxda ugu sareysa dowlada iyo kuwa Dowlad goboleedyada kuwaa oo ka shiraya khilaafka doorashada ka taagan.

Madaafiicdan caawa lagu garaacay magaalada Dhuusomareeb iyo iska hor imaadka ka dhacay duleedka magaalada ayaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Galmudug.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Ilaaladii Ugu Badneyd Kasoo Dejiyay Dhuusamareeb (Sawirro)

Heemaall

Qarax Khasaaro Xoogan Gaystay Oo ka Dhacay Goob Lagu soo Dhaweynayay R/W Rooble Ee Gaalkacayo.

Heemaall

Gudoomiyaha Komishanka Oo ka Hadlay Diwaan-galinta ka Bilaabatay Awdal.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More