Weerar Gaadiid Dagaal Looga Gubay Cidamada Dawlada & Amison Oo Caawa ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye.

Wararka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in gaadiid dagaal ay wateen Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM galabta lagu weeraray duleedka degmada Afgooye.

Qaraxyo nuuca wadada hareeraheeda lagu aasay ayaa lagu soo waramayaa in lala eegtay kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada xili ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo Deegaanka War-Maxan.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay weerarkan, waxa ayna sheegeen in ay jiraan gaadiid dagaal oo lagu gubay sidoo kale lagu dilay tiro kamid ah ciidamada la weeraray.

Al Shabaab ayaa sheegatay in weeraradaasi lagu gubay sadax gaari oo nuuca dagaalka ah ay wateen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in qaraxaadi lagu dilay tiro askar ah.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa inta badan weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo waxa ay ka fuliyaan gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan wadada isku xirta Degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn.

© Heemaal News Netwok