Heemaal News Network

Weerar khasaare Gaystay Oo Caawa ka Dhacay Jowhar.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam gacmeed oo caawa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobolka HirShabelle.

Weerarkaas ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada booliska HirShabeelle ay ku leeyihiin xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayey dhaawacyo ka soo gaareen weerarkaas loo adeegsaday bam gacmeedka, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii geystay.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay jirto dhimasho ka dhalatay weerarkaas, ciidamada ayaa furay rasaas mudo socotay, in kastoo aan weli la ogeyn in khasaare ka dhashay rasaastaas.

Weerarka kadib, ciidamada ayaa bilaabay howlgallo guri guri ah, waxayna isku hareereeyeen guud ahaanba xaafadda Horseed oo weerarkan uu ka dhacay.

Maalin ka hor Jowhar waxaa lagu soo gabagabeeyey dooraashada maamulka HirShabeelle, waxaana deganeed xaaladda magaalada intii ay socotay doorashadaas.

Hasa yeeshee horay magaalada waxaa loogu dhex dilay mas’uuliyiin ka tirsaneed maamulka HirShabeelle, kuwaas oo isagu jiray xildhibaano iyo wasiirro.

Related posts

Ciidanka Kenya Oo Xiray Garoonka Diyaaradaha Ee ku Yaalla Gobolka Gedo.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo ku Baaqay Inuu Is-casilo Wasiirka Arrimaha Dibada.

Heemaall

Farmaajo Oo si Adag Uga Hadlay Qaraxii Saraakisha Lagu Dilay Ee ka Dhacay Gaalkacyo

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More