Weerar Lagu Dilay Afar iyo Toban Qof Oo ka Dhacay Galbeedka Itoobiya.

Afar iyo toban qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerarro hor leh oo ka dhacay gobolka galbeedka Itoobiya ku yaalla ee Benishangul-Gumuz, sida ay sheegeen maamulka gobolka.

Afartii qof ee la sheegay inay weerarka fuliyeen ayaa sidoo kale la dilay, waana weerarkii saddexaad ee loo geysto dad shacab ah tan iyo bishii September iyadoo isku dhacyada isirka ku saleysan ay caqabado ku noqdeen dowladda.

Rabshado ayaa weli ka taagan gobolkaas inkastoo saldhigyo booliis laga sameeyay, kaddib labo weerar oo hore oo ka dhacay kuwaasoo ay ku dhinteen dad dhowr ah oo ka soo kala jeeda qowmiyadaha Amxaarada iyo Agew.

In ka badan 40 saraakiil oo dowladda ka tirsanaa ayaa xilka laga qaaday markaas, halka 15 kalena lagu hayo baaritaan ku saabsan dayacaad amaba inay qeyb ka ahaayeen rabshadaha.

Maamulka gobolka Benishangul-Gumuz ayaa sheegay in mid ka mid ah dadkii weerarka ku dhintay uu ahaa ajnabi, balse lama shaacin dalka uu ka soo jeedo.

Sanad kaddib markii uu ku guuleystyay abaalmarinta Nobel Peace Prize, maamulka Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa weli wajahaya caqabado la xiriira rabshadaha ku saleysan isirka, gaar ahaan kuwii bilihii la soo dhaafay ka dhacayay galbeedka dalkaas.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy