Heemaal News Network
somali

WHO Oo Ka Walaacsan Faafitaanka Nooca Cusub Ee Covid19

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay nooc cusub oo coronavirus ah, kaasoo halis ku ah dunida kana sii qartarsan noocyada Karoonaha ee horay loo soo arkay, waxaana hay’adda ay u bixisay noocaan Omicron.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in markii ugu horreysay laga soo sheegay Koonfur Afrika 24kii Nofembar, waxaana sidoo kale lagu aqoonsaday Botswana, Belgium, Hong Kong iyo Israel.

Wadamo dhowr ah ayaa hadda go’aansaday in ay mamnuucaan ama xaddidaan socdaalka iyo dadka imaanaya koonfurta Afrika.

Qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa sheegay in noocaan cusub ee Karoonaha oo ah midkii Afraad in ay ka hor tagi doonaan in dalalkooda uu soo gaaro.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in la xannibi doono duullimaadyada ka imaanaya Koonfur Afrika, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota.

Wadamada, Hindiya, Iran, Japan ,Midowga Yurub iyo Switzerland ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah u joojiyay duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray qaar ka mid ah wadamada koonfurta Afrika.

Related posts

Maraykanka Oo ku Caddaadinaya M/Deni Inuu Wada-hadalku Dhameeyo Ismari waaga PSF.

Heemaall

Midowga Musharixiinta Oo ka Hadlay Heshiiska Ay Gaareen Siyaasiyiinka Gobolada Waqooyi.

Heemaall

Xamaas Oo Shuruud Ku Xidhay Israa’iil

Heemaal