Heemaal News Network
somali

Wiil Dhalinyaro Ah Oo Lagu Dilay Baraawe

Askari katirsan Ciidamada Booliska ayaa degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Allaha u naxriistee Maxamed Keniya oo kamid ahaa dhalinyarada Magaalada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose, isaga oo goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay xaafadda Baqdaad oo kamid ah xaafadaha Magaalada Baraawe kadib markii uu muran dhex maray qofka Askariga iyo Wiilka dhalinyarada ah, isla markaana Askariga dilka geystay uu xiligaasi soo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiye kuxigeenka Aniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe Iamaaciil Cabdullaahi Jaadane ayaa sheegay in laamaha Amniga degmada ay ku raad joogaan Askarigii dilka geystay si Maxkamad loo horgeeyo.

Qaar kamid ah dhalinyarada degmada Baraawe ayaa walaac ka muujiyay dilka Maxamed Keniya, waxaana ay laamaha Amniga ka codsadeen in tallaabo laga qaado Askariga dilka geystay.

Related posts

Israel Oo ku Dhawaaqday Dagaal ka Dhan ah Iran.

Heemaall

Faahfaahinta:-Lamaane Caawa Lagu Dilay Gudaha Magalada Laascaanood

Heemaall

Kenya Oo Shaacisay In Dibu Dhac ku Yimid Heshiiskii Qaadka.

Heemaall