Heemaal News Network
somali

Wiil Uu Dhalay Idriss Déby Oo loo Magacaabay Madaxweynaha Chad

General Mahamat Kaka, oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii muddada dheer maamulayay Chad Idriss Déby, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha waddanka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa afhayeenka ciidanka.

Talaabadan ayaa timid saacado ka dib markii la shaaciyey in Madaxweynihii Chad Idriss Deby la dilay xilli uu booqanayay ciidamada dagaalka kula jira fallaagada oo duulaan xoog leh ku soo qaaday isbuucii la soo dhaafay saldhiggoodii ay ku lahaayeen Libya, sida ay ciidamadu sheegeen.

Hogaamiyahan 68 jirka ah wuxuu xukunka kula wareegay kacdoon hubaysan 1990kii. Waxaa badanaa lagu amaanay dadaalkiisa la dagaalanka kacdoonka, iyadoo Sanadkii 2020, la gudoonsiiyay darajada ciidan ee ugu sareysa ee Field Marshal.

Waxaa lagu waday inuu hoggaamiyo dalka markii lixaad ka dib markii uu helay hoggaan ballaaran natiijooyinka ku meel gaarka ah ee lagu dhawaaqay Isniintii.

Ciidanka ayaa ku dhawaaqay in la kala diray xukuumada iyo baarlamaanka, iyadoo Militariga hadda la filayo inuu xukumo dalkaas 18-ka bilood ee soo socota.

Related posts

Somaliland Oo Baareysa Iskuulka Abaarso Oo Haweeney Faafisa Diinta Masiixiga Lagu Sheegay.

Heemaall

New Zealand Oo Laga Joojinayo Cabista Sigaarka Iyo Iibka Tubaakada

Heemaal

Taliyaha Asluubta Oo ka Noqday Raali-galinta Rasaastii Lagu Riday Hasan Sheekh.

Heemaall