Wiil Uu Dhalay Wasiirkii Hore Ee Wasaaradda Shaqada Somaliland Cumar Yare Oo Lagu Dilay Canada

Wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada Somaliland Cumar Sh Maxamuud Faarax ayaa wiil uu dhalay oo la odhan jiray Samatar oo 24 jir ahaa lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.

Danbi baarayasha sida dilku u dhacay ayaa sheegay in la maqlay rasaasta lagu dilay marxuumka saacadu markii ahayd 1:30 am, balse ay adkaatay in la helo maydkiisa, waxaana ay qaadatay muddo intii la raadinaayey, waxaana la helay 8:am.

Cumar oo ah saaxiibka marxuunka ayaa sheegay in uu ahaa nin aad u wanaagsan oo baari ah, kooxaha faldanbiyeedyada galana aanuu ahayn.

 

Shaqaalaha wakaalada Heemaal News ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Cumar Sh Maxamuud Faarax iyo dhamaan qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Waxaa sidoo kale tacsi tan la mid ah na so gaadhsiiyey Ayaanle Saciid Khaliif iyo xaaskiisa Ruqiya Mire.